|

Boqollaal Xafiisyo, Hudheello iyo Dukaamo 9 Sanno ka Hor la Xidhay oo Dib loo Furay isla markaasna dib u soo noolaysay rajadii dhallinyaro u xadhko-xidhnaa tahriib
7/NOV/2009
(Berbera 07/11/09) Dhawaaqa lagu sheegay in dawladda Boqortooyada Sucuudigu xayiraaddii ka qaaday xoolaha Soomaalida, isla markaana maxjarka caafimaadka xoolaha ee Berbera u aqoonsatay ka ugu muhiimsan Geeska Afrika, ayaa noqday mid ay guud ahaan si weyn u soo dhoweeyeen bulshada xoolo-dhaqatada ah ee Somaliland iyo Somaaliya, iyadoo si gaar ah looga damaashaaday xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera oo ah marinka xoolahaas intooda badan ka dhoofi doonaan.

Magaalada dhexdeedii oo goreygu ka hadaafay oo geelu iska dhex daaqijiray
Damaashaadka qaybaha kala duwan ee bulshada Berbera, ayaa laga dheehanayaa wajiyada dadka, waxana dib u soo noolaatay rajadii nololeed ee dhallinta reer Barbera oo intoodii badnayd shantii sanno ee u dambeeyey ka tahriibeen, kadib markii xayiraadda lagu soo ragay xoolihii noolaa ee Sucuudigu dhoofin jiray, kaasoo 65% dhallinyaradu ka xoogsan jireen raacista maraakiibta xoolaha qaada.

Tan iyo markii xayiraadda xoolaha Boqortooyada Sucuudigu ku soo rogtay waxaa la ogyahay in gebi ahaanba in dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo xarakaadkii shaqo ee ka jirey magaalo-xeebeeddaas Berbera, waxaanay arrintaasi saameyn aan la qiyaasi karin ku yeelatay guud ahaanba degenaanshihii iyo muuqaalkii magaaladaas oo maalinba maalinta ka dambaysa laga dareemayey in intii tahriibtay maahee intii kale ku noolaan kari waayaan shaqo la’aanta iyo kulaylka xagaaga, ugana haajireen gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka.
Ugu yaraan 80% ayaa xidhmay meheradihii ganacsi ee ka furnaa Berbera, waxana inta badan meesha ka baxay kumanaan qof oo meherado kala duwan ku haystay magaaladaas sida; hudheello hunto, kuwo hurdo, dukaanno, sharaablayaal iwm.
Dhinaca kale, waxa dhawaaqaasi gidaarada ka kiciyey kumanaan dad ah oo waayey meel ay subaxdii shaqo ugu kallahaan, kadib markay waayeen shaqo iyo kharash ay ku tahriibaan.
Xafiisyadii dhoofka xoolaha ee Berbera ayaa dib loo furay. Waxa kaloo la furay xafiisyadii wakiillada maraakiibta ee xoolaha qaadi jirey oo ugu yaraan sagaalkii sanno ee dambeeyy xidhnaa. Sidoo kale waxa dib loo furey xafiisyadii bad-mareennada ee dhallinyarada reer Berbera ee u xilsaarnaa kaltanka shaqo ee dhallinta raacda maraakiibta xoolaha qaada.

Xeebtii quruxda badnaan jirtay ee Batalaale iyo siday ku danbaysay
Waxa dib loo furey xafiisyadii shirkadaha waaweyn ee dhoofka xoolaha ee Berbera, kuwaasoo ay ugu mudan tahay shirkadda INDHO DERO Group oo la filaayo in ay noqoto ta ugu horreysa ee xoolaha u dirta Sucuudi Carabiya, lana rajaynayo inay noqoto ta ugu xoolaha badan ee wakhtiga xashka.
Shirkadda labaad ee la filayo inay xoolaha u badan dirto waa CALI WARAABE COMPANY oo iyadu ah wakiil ka ahayd Aljaabiri oo ah ninka maxsharka dhisay, maxjarkaas oo ka sakow qaddarka Alle ah ka sababta u noqday shuruudda koowaad ee Sucuudigu ku xidhay in xoolaha Soomaalidu ka dhoofaan dekedda Berbera, warqadda caafimaadkana ka qaataan oo keliya maxjarka Berbera, halkaas oo ay ka hawlgeli doonaan dhakhaatiir caalimi ah iyo kuwa Somaliland ee wasaaradda xannaanada xoolaha
QODAL NEWS DESK
Editor@qodal.com
|