|
 
GUDDOOMIYAHA KULMIYE: “Haddii Doorashadan lagu guul-darraysto, Somaliland waxay noqon doontaa dal fashilma”
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa mar kale sheegay in Rabshadihii dhimashada keenay ee ka dhacay Magaalada Hargeysa bishii September ee sanadkan masuuliyadeedda lahaayeen Axsaabta Mucaaradka ahi, halka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Guddida cusub ee Doorashooyinku ay walaac ka muujiyeen natiijada ka dhalan karta haddaanay qabsoomin Doorashadu.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa eedda Rabshadihii Hargeysa ka dhacay bishii September ee sanadkan ee sababay dhimashada iyo dhaawacaba dusha u saaray Axsaabta Mucaaradka ah oo uu sheegay inay iyagu si khaldan wax ugu sheegeen dadweynihii taageerayaashooda ahaa ee isu-soo-baxay. Waxaanu dhimashada dhacday ku tilmaamay nasiib-darro. “Waxaan odhan karaa iyaga (Mucaaradka) ayaa ka masuul ahaa (Rabshadihii dhacay). Sababtoo ah, dadkan iyaga ayaa si khaldan wax ugu sheegay. Waana nasiib-darro madaxweyne ahaan in qaar ka mid ah dadkaygu ay markii u horraysay ku dhintaan rabshado noocan oo kale ah. Waxaanan rejaynayaa in aanay arrintani mar kale dib u dhici doonin mustaqbalka.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo Xafiiskiisa Hargeysa ugu waramayay Weriye ka tirsan qaybta Afka Ingiriisiga ee Telefishanka Al-Jazeera.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna u waramay Al-Jazeera, ayaa sheegay in mustaqbalka dalku uu mugdi gelayo, isla markaana Somaliland noqonayso dal guul-darraystay haddii aan Doorasho laga qaban dalka. “Waxaan aaminsanahay in Doorashadani ay aad ugu kakan tahay mustaqbalka Somaliland. Haddii Doorashadan lagu guul-darraysato, waxaan ka cabsi qabaa in sida aanu hore uga maqalnay qaar badan oo ka mid ah saaxiibadayada Beesha Caalamka, Somaliland in loola macaalimili doono sidii dal fashilmay sida Soomaaliya.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan inay dalka ka dhacaan wixii hore uga dhacay. Hase ahaatee, wuxuu xusay inay ku rejo-weyn yihiin inay ku guulaystaan qabashada Doorashada. “Tani waa Masuuliyad aad u baaxad wayn in la qabto Doorashada Somaliland, waananu ka cabsi-qabnaa wixii hore u dhacay oo kale. Laakiin, waxaanu rejaynaynaa in aanu tan ku guulaysano haddii Ilaahay yidhaahdo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Guddida Doorashooyinku.
QODAL NEWS DESK
Editor@qodal.com
|