TARIIKHNOLADEEDKII CABDILAHI SULDAN MAXAMED "TIMACADE"

 Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku taal duleedka magaalada Gabiley, sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay, isla markaana uu xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.
C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya, waxaanu inta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe. Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa. C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen. Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Xoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay Maxamed Dugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.
Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu xoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii.
C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray. Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray.
C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay. Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.
C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii, isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:
Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.
C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii
gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday. Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa.
1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga.
Beryihii dambe ilaa doorashadii 1969-kii, Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay.
1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen
inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan.
Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii, waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan, Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah.
1971-kii, C/laahi Suldaan waxa ku sii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya.
C/laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.
C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii, 1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh, iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo

Gabey kamida gabeydu tiriyey

Poem Name: Dugsi maleh qabyaaladi

 

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
 
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane


QODAL NEWS DESK              QALINKII: BOOBE YUSUF DUCALE                                 

Editor@qodal.com